Ku Dhawaad Sideed Ruux Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Kadib Markii….

0
180

Wararka laga helayo magaalada muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Daraawiishta ee Dowlada Soomaaliya ay goordhaw dad shacab ah ku laayeen Xaruntii Jaamacada Gaheyr ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo uu wato sargaal katirsan Ciidanka Daraawiishta ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen goob katirsan Jaamacada Gaheyr, halkaas oo Maamulka Degmada Dayniile dad Shacab ah ugu qeybinayeen kaarar ,

Rasaas ayaa mar qura lagu bilaabay goobtaasi ay ku sugnaayeen dad badan oo Shacab ah una badnaa dad masaakiin ah oo saf ugu jiray in ay helaan kaarar maalmahan laga qeybinayay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

In ka badan 8-qof oo u badan Shacab ayaa goobtaasi ku dhintay waxaa sidoo kale jira dhaawacyo iyana dad badan oo shacab ah soo gaaray ,kuwaa oo hada laga daad gureenayo goobta uu weerarku ka dhacay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida Degmada Dayniile oo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa bilaabay inay halkaasi ka qaadaan meydadka dadka la dilay iyo dhaawacyada, waxaana goobtaasi ka taagan xaalad aad u xun waxaana daadsan dhiig badan.

Waxaa suurto gal ah in qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ay ka bataan inta aan hada ognahay, Ciidamadii weerarka geestay ayaa lagu soo waramaya in ay wali ku sugan yihiin halka ay dadka badan ku laayeen.