Kulan Looga Soo Horjeeda Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Ka Dhacay Beledweyne {DAAWO SAWIRADA}

0
203

Kulan ay maanta kun yeesheen magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan mid kamida beelaha dega gobolka  ayaa waxa ay si wada jira uga soo horjeesteen gudigii farsamada ee dhawaan ay ku dhawaaqday wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka X.S

Kulankan ayaa dhamaan wax garadka iyo odayaasha beesha shiiqaal waxa ay ku sheegeen in aanu marnaba u cuntamin go,aanka wasaarada arimaha gudaha iyo gudiga lagu dhawaaqay kaas oo ay ku sheegeeen in uu yahay wax abuuri kara khilaaf iyo isku dhac beelaha dega labada gobol gaar ahaan kuwa tirada badan ee dagan gobolka HIIRAAN.

Qaar kamida wax garadka iyo odayaashii kulanka ka hadlay ayaa waxa ay tilmaameen in wasiirka wasaarada arimaha gudaha uu san  aqoon u laheyn dadka dega gobolka hiiraan taas oo ay ku sababeeyeen in uu gudiga farsamada uu magacaabay aaney aheyn reer hiiraan sax ah waa sida ay hadalka u dhigeen waxana wasiirka ay ku eedeyn in dadka reer hiiraan in ay dhibsadeen hadal kasoo yeeray wasiirka loona baahanyahay beey yiraahdeen in uu raali gilin ka bixiyo hadalkaas oo ahaa maah maah uu wasiirku isticmaalay mar uu warbaahinta la hadlayay.

Waxa ay ugu danbeyn wax garadkii kulanka ku yeeshay beledweyne ay ugu baaqeen dowlada soomaaliya in aay dib ugu laabato go,aanka wasaarada arimaha gudaha ee ku aadan gudiga maamul u sameynta labada  gobol ee hiiraan iyo shabelaha dhexe.

DSC01781 DSC01788 DSC01793 DSC01811 DSC01815 DSC01819 jj ll ww zz