Maamulka Jubaland Oo Shegay Inuu Wado Qorshe Lagu Xalinayo Khilaafka Gudoomiyaha Gado

0
194

Fartaag ayaa sheegay inay wadaan dadaal lagu xalinayo khilaafka ka dhashay isbeddel horay loogu sameeyey maamulkii Gedo

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inuu wado wada hadallo dhawaan ka dhacaya deegaankaas oo lagu xalinayo khilaafka ka dhashay isbeddel horay loogu sameeyey maamulkii gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Somalia, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini uu kaalin ka qaatay in arrintaas dhawaan shir laga yeesho.