Maamulka Jubba Land Oo Shegay In Dagaal Uu Lagalayo Al.Shabaab

0
231

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba Land C/llaahi Sheikh Cismaaciil Fartaag oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG Jubba Land ayaa sheegay in xal laga gaaray dhamaan murankii dhanka maamulka ee ka dhex jiray maamulka Jubba Land,islamarkaana hada wixii ka danbeeya loo tafa xeedanayo dagaalka ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Mr Fartaag in mas’uuliyiinta maamulka Seddexda Gobol ee la isku yiraahdo Jubba Land dadaal dheer ka dib gacanta is-qabsadeen ayna u midoobeen sidii cadowga ka horjeeda ee uu ku tilmaamay Al-shabaab uga ciribtiri lahaayeen deegaanada Jubba Land gaar ahaan J/dhexe.

Sidoo kale,madaxweyne Kuxigeenka maamulka Jubba Land ayaa sheegay in hada ciidanka Jubba Land u diyaarsan yihiin in dagaal adag lagu tir tirayo Al-shabaab la galayaan,isagoo howlgalka xoogiisa uu tilmaamay inuu ka bilaabanayo deegaanada Jubbada Dhexe oo qeybo ka mid ah AL-shabaab ay ku sugan yihiin.

Ururka Al-shabaab ayaa marar qaar weeraro Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaada magaalada Kismaayo halkaasi oo madaxda Jubba Land intooda badan ay ku sugan yihiin waana meel amaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Gobolada Jubba Dhexe,Hoose iyo Gedo waa Gobolada la isku yiraahdo Jubba Land,waxaana madaxweyne ka ah Axmed Max’ed Islaam oo ku soo baxay doorasho kale oo ka dhacday kismaayo,waxaana jiray khilaaf dhanka maamulka ah oo jiray,Balse Fartaag ayaa cadeeyay in arimaasi xal buuxa laga gaaray.