Maamulka Puntalnd Oo Ka Hadlay Duufaanta Chapala

0
199

Wararkii ugu danbeeyay Ee laga helayo Xeebaha Bari Ee Maamulka Puntland oo ay ku dhufatay Duufaanta Chapala ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu wado Dadaalo loogu gurmanayo Dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Duufaanta.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Maamulka Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoobdooro ayaa sheegay Dufaanta ay saameyn ku yeelatay Qeybo badan oo ka tirsan Xeebaha Puntland islamarkaana loo baahan yahay in Gurmad loo sameeyo Dadka ay Duufaanta sameysay.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in Degaanada ay hada Cabsidu ka jirto ay horay uga jirtay Abaar Xooggan loona baahan yahay in Gargaar Deg Deg ah loo fidiyo.