Maamulka Puntland Oo Ka Jawaabay Hadal Kaso Baxay Wasaarada Arimaha Gudaha

0
203

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray wasiirka Arrimaha gudaha Dawladda Soomaaliya kaas oo ahaa in 600 boqol ee reer Puntland aragtidana ka dhiiibtay hanaanka doorasho ee 2016 ay u dhigmaan 150 qof sidaasna lagu qiimaynayo.

Afhayeenka Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac Quraan-jecel ayaa isagoo hadlay waxaa uu si cad u sheegay in Puntland ay shacabkeeda u balanqaadayso meelmarinta aragtidooda ku aadan arrimaha doorashada dalka, iyadoona Madaxwaynuhu uu shacabka Puntland uga mahadceliyay sida aragtida dimuqraadiga ah u dhiibteen.

”Anagu waxaan meel marinaynaa aragtida sacabkeena arrinkaasna waxaa wakiil ka ah dawladda, iyadoona aan cidna wax laga waydiinayn talada & go’aanka ay soo jeediyeen shacabka Puntland, waxaan kaloo shacabka u sheegayaa shaqsi meelahaas ka hadlay waxba kama badalayo aragtideena” Ayuu yiri Afhayeenka Puntland.

Cabdulaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa sheegay in hadlakii wasiirka kasoo baxay uusan waxba u dhimi karin aragtida Puntland iyo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Shacabka Puntland ayaa siwayn u hadal haya arrimaha la xariira tixgalinta Puntland loo siin doono 600 ee ruux ee isku raacay in doorashada dalka laga dhigo habka degmooyinka, iyadoona arrinkaas Puntland ay la qabaan shacabka Jubbaland oo iyagana aragtidooda la waydiiyay.