Madaxtooyada Puntland oo Caawa mashquul ah iyo C/wali Gaas oo kulamo la qaadanaayo Saraakiil ciidan

0
281

War hadda naga soo gaaray magaalada garoowe ayaa sheegaya in Caawa jawiga madaxatooyada Puntland uu yahay mid mashquul ah kadib markii halkaasi ay gaaren wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan

Waxaa halkaasi uu shirar kala duwan uga soconayaa Masuuliyiinta maamulka, shirarkaasi oo la xiriira dagaalkii qaraarnaa ee maanta ka dhacay magaalada gaalkacyo.

Masuuliyiinta maamulka Puntland oo quus ka taagan dagaalka ayaa waxa ay hadda ka tashanayaan xal u helida dagaalka inkastoo ay saraakiisha ku boorinayaan inay difaacan dhulka uu dagaalka ka dhashay.

Si rasmi ah looma oga waxa uu shirarkaasi ku saleysan yahay, waxaana jiro warar sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu Saraakiisha ku sugan caawa madaxtooyada inay muujiyaan dhabar adeeg inta uu dagaalkaasi socda.

War-murtiyeed kasoo baxay goordhow madaxtooyada maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia oo ka garab dagaalamaaya kuwaGalmudug.