Madaxweynaha Dowlada Oo Dubai Uga Qeyb Galaya Shir Ganacsiga ku Saabsan

0
202

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo gaaray magaalada Dubai ee dalka Isu-tagda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Dubai uga qeybgalaya shirka Madasha ganacsiga caalamiga ah ee sanadka 2015 “Global Business Forum 2015 “oo ay qabanqaabisay rugta ganacsiga iyo warshadaha Dubai, kaasoo maanta ka furmaya magaaladan Dubai isla markaana socon doona muddo laba maalmood ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka jeedinaya khudbad ku aaddan ganacsiga Soomaaliya iyo sida ay dalka muhiim ugu tahay maalgashi lagu sameeyo si uu sare ugu kaco dhaqalaheeda iyadoo sidoo kalena ay khudbado ka jeedinayaan madax uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Ruwanda, Pol Kigame.

Safarka madaxweynaha ee Dubai waxaa ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar,wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane Mahad Maxamed Salaad iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Shirkaan ka furmaya magaalada Dubai ee dalka Isu-tagda Imaaraadka Carabta ayaa faa’ido weyn ugu fadhiya dalka Soomaaliya oo ku aadan iney halkaasi ku soo bandhigto hormarada laga gaaray dhinacyada Siyaasada iyo amaanka,taasi oo suurta galin karta in dalal badan ku soo dhiiraan iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.