Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul uga hadlay Weerarkii Hotel Saxafi

0
199

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo dalka safar uga maqan ayaa si kulul uga hadlay weerar saakay dagaalyahanada Al-shabab ay ku qaadeen Hotelka saxafi ee magaalada muqdisho.

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku  tilmaamay falkaasi inuu yahay mid aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta islaamka loona baahanyahay in la ciribtiro Al-shabab.

“Dilka dadka maatada ah ma ahan Islaamnimo, kamana daali doono baabi’inta haraaga Al Shabab’’ sidaa lagu qoray Bogga twitter Villa Somali iyadoo lasoo xiganayo Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladiisu aysan ka daali doonin sidii ay u cirib tiri lahayd Al-shabab-ka ,dowlada iyo ciidamada AMISOM ee qoriga kala soo horjeeda.

Weerarkii Hotel Saxafi waxaa kudhintay in kabadan 15 ruux oo ay kujiraan masuuliyiin dowlada katirsan , waxaana masuuliyada sheegtay ururka Al-shabab ee xiriirka laleh Al-Qaeda.