{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kadib Markii Uu Ka Soo Qeybgalay Shir Loogaga Hadlayay Ganacsiga

0
206

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo wafdi uu horkacayay oo ka soo qeybgalay kulan loogaga hadlayay arrimaha ganacsiga oo ka dhacay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkan waxa uu ugaga hadlay xaalada ganacsi ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sida uu dalku ugu baahan yahay in maalgashi lagu sameysto.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore madaxdeeda ugu celcelisay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay maalgashi balse uusan u baahnayn kaalmo lacageed.

hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax dowlado ah oo ka soo jawaabay baaqyada dowlada ee ah in maalgashi lagu sameeysto dalka Soomaaliya.

wafd (1)

wafd (2)

IB0A9828IB0A9829IB0A9830IB0A9831IB0A9832IB0A9833IB0A9835IB0A9836IB0A9837IB0A9838IB0A9839IB0A9842IB0A9843IB0A9844IB0A9845IB0A9846

 

wafd (3)

wafd (4)

wafd (5)