Madxawaynihii Hore Puntland Dr Faroole Oo Ka Hadlay Hiigsiga 2016

0
232

Madaxwaynihii hore dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa shir jara’id uu ku qabtay subaxnimadii maanta hoyga uu ka daganyahay magaalada Garoowe ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Dr Faroole ayaa ku tilmaamay wadatashiyada doorashooyinka ee hadda ka socda gobolada dalka oo ay ku jirto Puntland kuwa laga leeyahay dano siyaasadeed oo ah sidii mar labaad xafiiska ay ugu soo laaban lahayd xukuumadda hadda jirta ee Muqdisho , isagoona dhanka kale xusay madaxda maamulada qaar iyo dadwaynaha inay lasocon ujeedada wadatashigan laga leeyahay.

Waxaa uu xusay inay waajib tahay in laga gudbo nidaamka 4.5 ee beelaha Soomaaliyeed ay wax ku qaybsdaaan , taasi oo uu ku tilmaamay mid lagu dulminayo shacabka.

Madaxwaynihi hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii wax ka dhisay dowladda hada jirta ee madaxwaynaha uu ka yahay Xasan Sheekh, isagoona ka mid ahaa saxiixayaasha shirarkii dowladdan lagu soo dhisay , wararka ayaa sheegaya inuu damac kaga jiro inuu u taratamo doorashada madaxwayne ee la filayo 2016ka inay Soomaaliya ka dhacdo.