Magalada Baladweyne Oo Wali Xiisad Katagantahay Iyo Wadooyinka Oo Wali Xiran

0
190

Xaalada Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa maanta ah mid  kacsan  kadib dil shalay ciidama katirsan dowlada ay ugu gesten Sargaal u shaqeynayay mid kamid ah hay’adaha ka howlgala Gobolka hiiraan

Ciidama maleeshiya beeleed ah ayaa soo buux dhaafiyay Magaalada  kuwaasi oo xirtay Gooba badan oo ka mid ah bartamaha Degmada  sida wadada halbowlaha u ah magaalada B/weyne.

Maamulka Gobalka Hiiraan iyo kan degmada ayaa wax war ka soo saarin arrintaan, waxaana magaalada ka jirin ganacsi iyo isku socodka dadweynaha in kasto ay jiraan waa waan iyo dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqan oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa marxalada ka taagan B/weyne.

Waxii warar ah goor dhaw kala soco hiiraanweyn.net,