Maleeshiyaad ku Dagaalamay Duleedka degmada Jowhar

0
283

Dagaal u dhexeeya Labo maleeshiyo Beeleed ayaa maanta ka dhacay Duleedka Degmada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana halkaa wali laga soo sheegayaa Xiisad Colaadeed.

Dagaalka oo dhexmaray Maleeshiyaad Hubeeysan ayaa Salka ku haya Dhul Beereed,iyadoo Wararku ay sheegayaan in Dagaalka uu ka biloowday Muran ka dhashay dhulbeereedkaasi.

Dagaalka maanta ayaan geysan Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah,waloow ay is hor fadhiyaan Maleeshiyaadkii halkaa ku dagaalamay.

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Mas’uuliyiin ka tirsan ayaa  ku baaqay in la joojiyo Dirirtaasi islamarkaana waxii la kala tabanayo lagu Xaliyo Isfahan.