Mareykanka Oo Xoojiyay Ammaanka Duulimaadyada Caalamiga ah

0
164

Mareykanka ayaa dib u cusbooneysiinaya habka uu ula socdo ammaanka duulimaadyada caalamiga ah, kadib markii todobaadkii hore diyaarad Ruushka laga leeyahay ay ku bur burtay Gacanka Sinai ee dalka Masar.

Diyaaradan ayaa waxaa ku dhintay illaa 224 ruux oo ahaa dhamaan rakaabkii diyaarada saarnaa oo u dhashay dalka Ruushka.

Sirdoonada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in bam lagu qarxiyay diyaaradan, inkastoo wali ay socdaan baaritaanka diyaarada, hase ahaatee macluumaadka horu-dhaca ee ka soo baxaya bur burka diyaarada ayaa muujinaya in qarax lagu qariyay diyaarada ay sababta u aheyd bur burka diyaarada.

Ururka Daacish ayaa horay u sheegtay inuu mas’uul ka ahaa bur burka diyaarada, waxaana Isgaarsiin la dhex galay oo ay Hogaamiyeyaasha Daacish ku hadlayeen uu muujinayay doorka kooxdaas ku laheyd weerarkaas

Laamaha ammaanka Mareykanka ayaa kor u qaaday baaritaanada dhinaca ammaanka ee garoomada, waxaana si gaar ah ula socdaan duulimaadyada ka imaanaya Bariga Dhexe.

Ruushka iyo Britain ayaa gebi ahaanba joojiyay duulimaayadii u socday dalka Masar, gaar ahaan Sharmal Sheekh, kadib markii qubaro dhinaca ammaanka ay shaki geliyeen ammaanka garoonkaas.