Mareynkanka oo ku baaqay baaritaan ku aadan eedeynta Malitariga Kenya ee Soomaaliya

0
219

Malitariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney ku lug leeyihiin dhoofinta sharci-darada ee dhuxusha iyo Sokorta Dekada Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Malitariga Kenya ayaa Soomaaliya ku jooga magaca Howlgalka AMISOM,waxayna shaqadooda ugu muhiimsan ay tahay dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo taageerada Dowlada Soomaaliya.

Koox fadhigoodu yahay Kenya ayaa shaacisay in ay hayso caddeymo cusub oo sheegaya in militeriga dalka Kenya ee ku sugan Somalia ay ku lug leeyihiin dhoofinta sharci-darrada ah ee dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo.

Arintaan eedeynta ah ayaa markii ugu horeysay waxaa ka hadlay Robert Godec Safiirka Mareynkanka u fadhiya dalka Kenya ka dib shir jiraa’id uu ku qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Wuxuu sheegay Mr Robert Godec in eedeyntan aysan ahayn wax sahlan,islamarkaana dhaawaceysa sumcada howlgalka AMISOM,isagoo ku baaqay Baaritaan deg deg ah.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda Kenya & Gudiga anshaxa & la-dagaalanka musuq-maasuqa inay baaraan warbixinta sheegaysa inay Ciidanka Kenya ee jooga Somalia ku lug leeyihiin ka ganacsi Sonkorta iyo dhuxusha sharci darrada ah.

“Eedayntan ma ahan mid sahlan waxayn dhaawacysaa sumcadda howgalka Ciidanka Kenya ee dalka Somalia, haddii ay cadaadto waa in si deg deg ah cadaalada loo horkeenaa kuwa ka danbeeya dhoofinta sonkor iyo dhuxusha sharci darrada ah.

Hadalkaan ayuu safiirka Mareynkanka u jooga Kenya jeediyay Xilli kulan uu arimahan kala hadlayay uu la qaaday Madaxda gudiga la dagaalanka musuq maasuqa iyo anshaxa ee Kenya