Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo La Horkeenay Muwaadiniin Keenyaan Ah Oo Lasoo Eedeeyay

0
171

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa la horkeenay shalay muwaadiniin Kenyaan ah, kaasoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo lasoo taago maxkamadda, waxaana lagu soo eedeeyay inay si sharci-darro ku joogeen dalka.

Keenyaankan oo tiradooda ahayd 22-qof ayaa maxkamadeyntooda ay dib u dhacday maalinta berri oo taariikhdu ku beegan 05-ta November2015-ka, sida ay ku dhawaaqeen garsoorayaasha maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhageysiga dacwada Keenyaankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa saraakiil ka tirsan laanta socdaalka Somalia iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaarada Kenya ee Muqdisho.

Xeer-ilaaliyaha ku xigeenka Somalia, Maxamed Xasan ayaa sheegay in dacwada lagu soo oogay 22-kan ruux ee Keenyaankan ah ay tahay in aysan haysan sharci ay dalka ku joogaan iyo mid ay uga shaqeystaan.

Sidoo kale, xafiiska xeer-ilaalinta guud ee dalka ayaa shirkadda Liber link ku eedeynayaa inay ku xad-gudubtay qodobka 37-aad iyo qodobka 24-aad ee sharci shaqaalaha shisheeye, sababtoo ah shirkadda waxa ay shaqaaleysiisay dad aan haysan ruqsadda shaqaalenimo isla markaana aan dalka si sharci ah ku joogin, wuxuuna xafiisku maxkamadda ka codsaday inay kiiskaasi ku qaaddo.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir,Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa isna ku tilmaamay kiiska eedeysanayaasha Keenyaanka ah la qaadi doono Berri oo Khamiis ah, maadaama qareenkii u doodayay uu sidaas codsaday.

Ugu dambeyn, baarlamaanka Somalia ayaa waxaa hor-yaala sharciga maal-gashiga iyo shaqaalaha ajaaniibta ah ee dalka ka howlgalaya, iyadoo sharcigan uu xadidayo shaqaalaha Ajaanibta ah ee dalka ka howlgalaya.