Meydka Qof Dhalinyaro ah oo Saakay laga helay Degaan hoostaga Degmada Ceelbuur

0
257

Wararka aan ka heleyno Degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud islamarkaana hoostaga Degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in Saaka Dadka Degaanka ay ku soo tooseen Meydka Wiil dhalinyaro ah oo yaalla Duleedka Bulacle.

Goobjoogeyaal la hadlay Radio Hiranweyn ayaa sheegay in Meydka Dadka Degaanka ay ku soo tooseen Saaka,waxaana laga helay Meel duleedka ka ah Degaanka Bulacle.

Qaar kamid ah Dadka Degaanka oo Meydka arkay ayaa sheegay in ay Rasaas ku taallo,loona badinayo in halkaa lagu dilay.

Degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Fariisin ku leh Ciidamada AMISOM Faraca Itoobiya,iyadoo aan ilaa hada la ogeyn Cida Dishay Wiilkaasi dhalinyarada ah ee Meydkiisa Duleedka Bulacle laga helay.

Wiilka Meydkiisa laga helay Duleedka Degaanka Bulacle ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool Bariga Gobolka Galgaduud.