Midowga Yurub oo Dowladda Kenya ka Caawinaya Dagaalka Shabaab

0
191

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa ku dhawaaqay iney taageero dhanka amaanka siin doonaan laamaha amaanka ee dowlada Kenya.

Stefano Dejak, madaxa wafdiga midowga Yurub ee dalka Kenya ayaa sheegay in midowga Yurub uu taageero u muujinayo wadanka ku yaala bariga Africa si ay ula dagaalamaan ururka Alshabaab.

Mr Dejak oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagay Mandheera ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dadkii waxyeelada kala duwan kasoo gaartay weeraradii Alshabaab ka geysteen magaaladaasi.

Wuxuu sheegay in midowga Yurub ay ka go’an tahay taageerada midowga yurub uu soonayo dowladaha Soomaaliya iy Kenya si ay ula dagaalamaan ururka Alshabaab oo weeraro badan ka geystay dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa dhankeeda ka mahad celisay balanqaadka masuulka ka socday midowga Yurub ee ku aadan iney taageero dhanka amaanka ah ka heli doonaan Midowga Yurub.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro ka geystay dalka Kenya, waxaana si daran loo xasuustaa weeraradii Alshabaab ka geysteen Dhismaha Westagte iyo jaamacada magaalada Gaarisa.