Midowga Yurub Oo Sharci Kasoo Saaray Badeecada Laga Keno Dalka Isra’iil

0
257

Midowga Yurub ayaa soo saaray Sharci cusub oo la xariira Badeecada laga keeno Isra’iil ee loo iib keeno wadama Yurub, sharcigan oo qeexaya in Badeecadaasi lagu qoro meesha laga keenay.

EU-da ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneyn Isra’iil iney leedahay dhulka ay xooga ku qabsatay wixii ka danbeeyey dagaalkii 1967dii, waxaana lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Midowga Yurub in dhulka la heysto ee Falastiin alaabta lagu sameeyo loo baahan yahay in la calaamadeeyo oo lana cadeeyo goobta laga keenay, si dadka gadanaya u kala ogaadaan meesha badeecadaasi ka timid.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga horjeestay Maamulka Isra’iil oo cambaareeyey sharciga cusub ee Midowga Yurub oo ay sheegeen in lagu burburinayo ganacsiga Isra’iil.

Shirkado badan oo ay Israa’iil leedahay ayaa ka hawlgala dhulka la heysto ee Falastiin, kuwaasi oo dhulka iyo goobaha ay heystaan ay yihiin dhul laga boobay Falastiiniyiinta, balse shirkadahaasi ayaa badeecadooda u suuq geeya caalamka iyagoo aan ku qorin goobta lagu soo sameeyey ama halka badeecadaasi ka timid.

Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyey in tilaabadan EU-da aysan waxna u dhimi doonin dhaqaalaha Isra’iil balse ay tahay tilaabo si gaar ah loogu cunsuriyeenayo Isra’iil, waa siduu hadalka u dhigayee.

Maamulkan Isra’iil ayaa ka cabsi qaba in sharciga cusub ee EU-da kusoo rogtay badeecadooda ay u sahli karto dadka inay diidaan inay gataan badeecada Isra’iil hadii lagu qoro meesha laga keenay.

Dowladaha reer Galbeedka ayey sanadihii danbe kusoo kordhayeen kooxaha u ololeeya xoriyada shacabka Falastiin, kuwaasi oo si weyn ugu dadaalaya in xayiraad dhaqaale iyo ganacsi la saaro shirkadaha Isra’iil ee xarumahooda yihiin dhulka la heysto ee Falastiin.