Mudanayaasha Baarlamaanka Oo Ka Doodaya Sharciga Maxkamad Dastuuri ah

0
314

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda uga doodaya Ajandeyaal  dhowr ah oo ay ka mid yihiin Dhismaha Maxkamad Dastuuri ah oo Dalka uu yeesho iyo Qaraar ku saabsan Maaliyadda oo Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka u qaabilsan ay soo gudbiyeen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Kulanka looga doodayo maanta Ajandeyaashaasi,waxaana uu sidoo kale xusay in Baarlamaanka uu Akhrintii Labaad marin doono Sharciga Dhismaha Maxkamad Dastuuri ah oo Dalka uu yeesho.

Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa Baarlamaanka u gudbisay Sharciga Dhismaha Maxkamad Dastuuri ah oo Dalku uu yeesho.

Siyaasiin badan ayaa horay u sheegay in Dalka Soomaaliya uu u baahan yahay Maxkamad Dastuuri ah oo lagu kala saaro Madaxda dalka markii ay isqabtaan.