Muslimiinta Kenya Oo Pope Francis Ka Dalbaday Inuu Booqashadiisa Uga Faa’ideysto Mideynta Shacabka

0
188

Golaha Imaamyada iyo Muwaacidiinta Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo CIPK “Council of Imams and Preachers”, ayaa ugu baaqay Baadariga Diinta Masiixiga ee Pope Francis oo dhammaadka bishaan lagu wado inuu booqasho ku yimaado wadanka Kenya, inuu oga faa’ideysto safarkiisa isku soo dhaweynta Shacabka kala Diimaha ah ee Kenya kuwada nool.

Xog’hayaha guud ee CIPK Sheikh Mohammed Khaliifa oo ay wehliyeen culummo kale, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xafiiskooda ku yaallo deegaanka Mwembe Tayari ee magaalada Mombasa, waxey oga dhawaaqeen in booqashada Pope-ka ay ku soo beegan tahay wakhti loo baahnaa madaama inta badan siyaasada Kenya ay tahay mid halis galin karto nabadda iyo midnimada shacabka.

Golaha, ayaa sidoo kale ugu Baaqay Baadariga inuu ka dhaadhiciyo dadka isaga taabacsan iney midnimo iyo nabad galyo kula noolaadaan Muslimiinta Kenya. Waxeyna intaas ku dareen in hadalada soo dhaweynta ah ee Siyaasiyiinta ay u adeegsadaan qudbadahooda ay yihiin kuwa dano gaarka ah xambaarsan oo qaarkood naceyb dhalin karo.

Dhanka kale Pope-ka Vatican ama Baadariga Diinta Masiixiga, ayaa lagu wadaa in dhamaadka bishaan uu booqasho ku yimaado magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Waxaana Vatican-ku ay sheegeen in Baadarigu uu toos ula hadli doono Shacabka Kenya, uuna la kulmi doono hogaamiyaasha diimaha kala duwan inta uu Kenya ku sugan yahay.

Sidoo kale Pope Francis oo booqashadiisa Kenya ay ku soo beegmeyso xili sannadihii la soo dhaafay Kenya lagu qarxiyay Kaniisado kala duwan sidoo kalana lagu laayay Baadariyaal, ayaa booqashadiisa Africa waxaa kaloo la sheegay inuu ku tagi doono wadamada ay ka mid yihiin Yugaandha iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo horay ay oga dhaceen dagaal Diimeedyo.