Nabad Sugidda Soomaaliya oo Amar Culus soo saartay

0
208

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in Baaris lagu sameyn doono Gaadiidka soo gala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka iyo kuwa ka baxa intaba.

Gen Tuuryare oo la hadlayay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Kontoroolka lagu Magacaabo Ex-Kontorool Afgooye ayaa sheegay in dhamaan Kontoroolada soo gala Magaalada Muqdisho baaritaan adag lagu sameyn doono islamarkaana la ogaan doono Gaadiidka Magaalada soo gala iyo kuwa ka baxa.

“Ciidamada waxaa la farayaa in ay baaraan Gaadiidka Nuucyadiisa kala  duwan,waliba Sigaar ah Gaadiidka Khudaarta keena iyo waliba Gaari dameerada Baaris dheeri ah lagu sameyn doono”ayuu yiri Tuuryare.

Sidoo kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono Dadka soo gala Magaalada Muqdisho islamarkaana Dadka Dadoodu ay ka yartahay 40 sano la weydiin doono Aqoonsi iyo Damaanad intaba.

Wasaaradda Amniga ayaa horay u sheegtay in Magaalada Muqdisho Amaankeeda Gacan bir ah lagu qaban doono,iyadoo ay Magaalada ka dhacaan Weeraro u badan kuwo Qorsheysan.