Nicholas Kay oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole

0
204

Madaxwaynihii hore Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magalada Garowe kusoo dhaweeyay wakiilka Qaramadda Midoobey ee Soomaaliya Danjire Nicholas Kay oo shalay galinkii danbe magalada soo gaaray.

Shir al-baabadu u xiran yihiin oo nus saac qaatayay ayay labadaan masuul yeesheen, waxana ku weheliyay Farole shirkaasi wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdi Faarax Juxa, Agaasimihii guud ee madaxtooyadda Dr.Jaamac Warsame iyo saraakiil kale oo Kay la socotay.

Kulankaa markuu dhammaadey ayay saxaafada wadajir ula hadleen,waxana hadalka ku horeeyay Cabdiraxmaan Farole wuxuna marka hore uga mahad celiyay booqashada uu Kay saaka ugu yimi, Farole ayaa sheegay Danjire Kay inuu shaqadiisii Soomaaliya uu si fiican u gutay isla markasna uu rajaynayo guul iyo horumar, sidoo kale Farole ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu sii joogo inta doorashada Soomaaliya qabsoomayso maadama uu ahaa wakiilkii QM ee arrimaha xogta badan ka hayay.

Danjire Nicholas Kay oo hadal kooban jeediyay ayaa marka hore u mahad celiyay madaxwaynihii hore Puntland qaabilaadiisa, wuxuna intaa ka dib sheegay inuu xalay la kulmey madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas.

Kay ayaa sheegay mudaddii uu xafiiska joogay inay wax badan qabsoomeen oo ku aadan la shaqaynta dowladda xaga siyaasada, ka taageerida sidii loo dhisi lahaa mamuladda dalka iyo la-dagalanka kooxda Al-Shabab, wakiilkani wuxuu sheegay hadda inuu u muuqdo mustaqbal wanaagsan oo Soomaalidu gaarayso, ayna inta badan magaalooyinka waa weyn lagu qabtay shirar wadatashi oo shacabka lagu waydiinayay doorashada soo socota siday noqon doonto.

Ugu danbeyntii Kay ayaa Soomaaliya u rajeeyay horumar, ammaan iyo nidaam wanaagsan oo ku salaysan Federaal, wuxuna sheegay labadii sano iyo barkii uu xilka hayay oo mudo kooban uga dhiman tahay khibrad weyn ugu siyaasay Soomaaliya.