Nicholas Kay oo Puntland ugu baaqay in ay siideyso Wariye Jaamac Dabaraani

0
315

Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas kay oo sii baneynaya Xafiiska QM ee Soomaaliya oo maanta Muqdisho uga qeyb galay Shir looga hadlayo Hormarinta Saxaafadda ayaa baaq u diray Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Nicholas Kay ayaa ugu baaqay  Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland in Deg Deg loo siidaayo wariye Jaamac Dabaraani oo Maalintii Lixaad ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe.

“Maamulka Puntland waxaan si Xushmad leh uga Codsanayaa in ay siidaayaan Wariyaha u xiran oo ay Ilaaliyaan Xoriyadda hadalka,waxaan mar kale leeyahay Madaxda Puntland Deg deg ha loo siidaayo Wariye Jaamac Dabaraani”ayuu yiri N.Kay.

Wariye Jaamac Dabaraani ayaa lagu xiray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland,iyadoo Wasaaradda Warfaafinta Puntland ay sheegtay in Maxkamad la saari doono.