Nickolas Kay Oo Ka Hadlay Diyaaradii Dhawaan Ku Dhacday Duleedka Afgooye ee La Sheegay In Al-Shabaab Qaateen

0
180

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nickolas Kay oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA ayuu kaga hadlay arimo dhoor ah ay kamid aheed Diyaarad dhawana kusoo dhacday Duleedka Afgooye.

Diyaarad aan si rasmi ah loo ogeyn cida iska laheed iyo cida ay u rarneed ayaa 28-kii October ee bishii tagtay waxaa la sheegay in ay kusoo dhacday Duleedka Degmada Afgooye, waxaana Warar soo baxay sheegayeen in Diyaaradasai ay Qaramada Midoobay ama AMISOM ay u rarneed.

Nickolas Kay oo ka hadlay Diiyaaradan la sheegay in ay soo dhacday una rarneed Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan jirin Diyaarad Qaramada Midoobay u rarneed oo soo dhacday, waxa uuna tilmaamay in Diyaardaasi ay maqeen balse markii ay baadi goobeen ay waayeen diyaardaasi.

Diyaarad la sheegay in ay kasoo duushay Magaalada Nairobi kuna sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle ayaan dhawaan la sheegay in ay ku dhacday Duleedka Afgooye ayna u gacan gashay dagaalyahanada Al-Shabaab, mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Diyaaradaasi Al-Shabaab ayaan sidoo kale ka hadlin Diyaaradaasi la sheegay in ay gacantooda soo gashay ayna ka xeesteen dadkii la socday.