Nigeria Oo Sheegtay Inay Diyaarado Ku Weerartay Deegaan Ay Ku Kulmayeen Madaxda Boko Haram

0
200

Ciidamada cirka Nigeria ayaa sheegay inay duqeymo cirka ah ka geysteen Khamiistii shalay ahayd deegaan ay ku shir-sanaayeen madaxda Boko Haram, kaasoo lagu magacaabo Wulge oo ka tirsan gobolka Borno.

Taliyaha howlgalka duqeymaha cirka ah oo loogu magac-daray “Operation Lafiya Dole”, Isiaka Amao ayaa sheegay in howlgalkooda ay si gaar ah ugu beegsadeen kulan ay kooxda Boko Haram ku lahaayeen gobolka Borno oo ah mid ay awood ku leedahay kooxda.

Sidoo kale, Isiaka Amao ayaa intaa ku daray. “Warbixinno aan duqeyta kaddib helnay ayaa sheegaya in duqeynta guu laga gaaray oo lagu laayay xubno sare oo ka tirsan argagaxisada Boko Haram.”

Isiaka Amao ayaa hadalkiisa raaciyay in gaadiid ay wateen xubno ka tirsan kooxdan ay ku duqeeyeen diyaarahooda dagaalka deegaanka Kunshe, isagoo xusay in la arkayay burburka gaadiidkii la duqeeyay.

Duqeyntan ayuu sheegay sarkaalka in sidoo kale kooxda Boko Haram looga bur-buriyay saanad ciidan, gaadiid iyo hub kala duwan. Isagoo xusay in duqeyntaan lagu bur-buriyay warshad hubka sameysa oo ay kooxdan Islaamiga ah ugu taalay dhul kayn ah.

Dhanka kale, Isiaka Amao ayaa xusay in duqeymihii Oktoobar la furliyay ay ku baabi’yeen saanad ay Boko Haram lahayd oo lagu qariyay deegaanka kaymaha leh ee Sambisa. Sidoo kalena ay ku burburiyeen laba saldhig oo ay kooxdu ku lahayd deegaanka howdka ah.

Sarakaalkan ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in intii ay socdeen duqeymihii bishii hore ay fulinayeen ay ku waayeen mid ka mid ah duuliyeyaashooda diyaaradaha dagaalka, kaasoo uu magaciisa ku sheegay, Ebitimi Owei.

Ugu dambeyn, Isiaka Amao ayaa hadalkiisa sii raaciyay in duqeymahan ay ku burburiyeen doon shidaal u siday Boko Haram oo maraysay biyaha kala qaybiya Nigeria iyo Cameroon, inkastoo uusan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas cirka ah.

Gunaanadkii hadalkiisa ayuu ku sheegay Isiaka Amao in howlgallada duqeymaha ah ay ka fuliyeen deegaanno ay ka mid yihiin; Geidam, Gamboru, Ngala, Mafa, Kirenowa, Banki & kuwo kale, laguna burburiyay saldhigyo ay Boko Haram ku  lahayd deegaannadaas.