Puntland Oo Gaalkacyo Ka Musaafurisay Madaxii Duulimaadyada Diyaardaha Qaramada Midoobay

0
182

Warqad kasoo baxday 16 bishaan Wasaaradda Duulista hawada & Garoomada Puntland ayaa lagu amray in Maamulka Puntland ay shaqadii ka joojisay Madaxii Duulimaadyada Gobolka Mudug u qaabilsanaa Diyaarada United Nations Humanitarian Air Service (UNHAS) kaas oo Dawladda Puntland ay amartay in 48 saac gudahood uu uga baxo Puntland.

Cabdulaahi Cali Maxamed (Cabdulaahi airpor) ayaa Mudo ka shaqaynayay Puntland, waxaana uu kasoo jeedaa gobolka Hiiraan , iyadoona ilo xogagaal ah oo ka agdhow garoonka diyaardaha Gaalkacyo Cabdulaahi yuusuf Airport & Masuuliyiin kale oo ka tirsan kuwa duulimaadyada ay noo sheegeen in lagu helay arrimo la xariira khalkhal galinta duulimaadyada Garoonka Cabdulaahi yuusuf.

Cabdulaahi Ayraboor ayaa qoodbada lagu eedeeyay waxaa ka mid ah:-

1:- in Qalabka Qaramada Midoobay sida Raadyaha lagu hago diyaardaha  uu fududeeyay in loo isticmaalo in looga soo dago Garoonka macmalkaa ee ku yaal duleedka Koonfureed ee xaafada Baraxlay.

2:- Isku dayid curyaaminta duulimaadyada Gaalkacyo ee United Nations Humanitarian Air Service (UNHAS) isagoo gudbiyay warar borobugaando ah kuwaas oo sheegaya inuusan amaan ahayn Garoonka Cabdulaahi Yuusuf.

Amarka kasoo baxay Maamulka Puntland gaar ahaana wasaaradda duulista hawada & garoomada Puntland ayaa la gaarsiiyay xafiisyada ay qusayso sida Taliska qaybta Booliska Gobolka Mudug, Maxkmada & waliba sidoo kale Madaxa Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdulaahi Yuusuf.

Maamulka  Puntland ayaa amrtay in United Nations Humanitarian Air Service (UNHAS) ay shaqsi haga shaqada  usoo magacowdaa Gobolka Mudug gaar ahaana magaalada Gaalkacyo.

Galabnimadii arbacada ee todobaadkaan ayaa waxaa soo dagtay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay, iaydoona Gaalkacyo ka qaatay Cabdulaahi Cali Maxamed Jamcaale  kaas oo deegaanada Puntland laga musafuriyay.

Hoos ka akhriso Wareegtada dal ka musaafirinta

galkacyo 001