Qaramada Midoobay oo ka walaacsan weerarrada burcad badeedda Soomaalida

0
269

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay dib usoo noqoshada weerarrada ka imaanaya burcad badeedda Soomaalida.

Waxuu cambaareeyay afduubkii dhawaan loo gaystay dooni kalluumeysi oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya.

“Waxaan cambaareynayaa bucadnimada hubaysan ama burcadda badda,”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay oo arrintan ka soo saaray war saxaafadeed.

Waxaa kalo lugu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay“Xilli Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso siyaasadda iyo ammaanka, laguna guda jiro dadaallada horumarinta dhaqaalaha, waxaan walaac ka muujinayaa dib u soo cusboonaanshaha falalka burcad badeedda.”

Dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Pakistan, balse uu ka babanayay calanka dalka Iran, ayna saarnaayeen 15 badmaaxiin ayaa lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, waxayna burcaddii afduubtay la aadeen dhinaca deegaanka Ceelhuur.

Waa weerarkii saddexaad ee dhacay bishan gudaheeda, balse Nicholas Kay wuxuus heegay inay jiraan weerarro kale oo badan oo fashilmay.

Weerarradan waxaa kalo sabab looga dhigey doomaha kalluumaysiga sharci darrada ah ka sameynaya xeebaha Soomaaliya oo siyaadey sanadihii ugu dambeysay, oo ay joojiyeen burcadda weerarrada ay ku bacsan-jireen maraakibta.