Ragii Ka Dambeyay Werarkii Ka Dhacay Paris Oo La Ogaaday Dhalashadoda

0
206

Dowlada Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in la aqoonsaday qaar kamid ah ragii weerarka ka fuliyay Magaalada Paris , waxaa sidoo kale baaritaano kale lagu wadaa xubnihii kale ee weerarka iyana ka qeyb qaatay.

Dacwad Oogaha Faransiiska Francois Molins, oo Warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Mid kamid ah ragii Weerarka ku qaaday Goob Tiyaatar ah la aqoonsaday uuna noqday nin Faransiis ah oo horey dalka dambiyo uga galay.

Omar Ismaïl Mostefai, oo ah Muwaadin Faransiis ah ayaa kamid ahaa ragii weerarka ka fuliyay Magaalada Paris, waxaana ninkan xubno jirkiisa kamid ah laga helay Tiyaatrka la weeraray waxaana lagu aqoonsady baaris dhiicaan oo lagu sameeyay.

Ninkan ayaa la sheegay in uu ahaa nin mayal adag oo horey dambiyo uga galay dalka Faransiiska balse aan waligiis loo xirin falalkaasi, waxaa sidoo kale iyana baaritaano kusocdaan xubnaha kale ee weerarka ku lugta lahaa kuwaa oo la ogaanayo shaqsiyadooda.

Laamaha amaanka Faransiiska ayaa sidoo kale ka helay Tiyaatarkii la weeraray Pasbort Siiriyaan ah oo loo maleenayo ninkii lahaa uu kamid ahaa ragii weerarka fuliyay, Dowlada Gariiga ayaana sheegtay in shaqsiga Pasborkaasi wata uu horey dalkooda usoo maray.

Baasaboorka la helay waxaa iska lahaa Ahmed Almuhamed oo 25-sano jir Siiriyaan ah, Ninkan ayaana qaxooti ahaan dhawana looga diiwaan galiyay dalka Gariiga waxa uuna usii gudbay Dalka Faransiiska uu weerarka habeen hore dhacay ka qeyb qaatay.

Dalka Faransiiska ayaa waxaa kasocda baroordiiq loo sameenayo in ka badan 130-qof oo ku dhintay weerarkii habeen hore lagu qaaday goobo kuyaala Dalka Faransiiska, waxaana Weerarkaasi masuuliyadiisa qaatay Kooxda Daacish.