Ra’iisul Wasaaraha oo kulan Deg Deg ah la yeeshay Taliyaasha Ciidamada

0
193

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlay amniga Dalka oo ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Saraakiil ka socotay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay Dowladaha midowga Yurub iyo Wasiirka Amniga gudaha.

Kulanka ayaa waxaa warbixino amniga la xiriira  lagaga dhageystay Taliyaha Ciidanka NISA C/raxmaan Tuuryare iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed kuwaa oo faah faahin ka bixiyay dadaalada lagu ciribtirayo Al Shabaab iyo xoreynta ka socota deegaanada ay Maamulaan Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa kulanka markii uu soo gaba gaboobay kaddib Warbaahinta  ugu warbixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanka ahmiyad lagu siinayay xoojinta amniga iyo wada shaqeyn  dhexmarta ciidamada Qalabka Sida, Ra’isul wasaaruhuna uu ku adkeeyay Taliyeyaasha Ciidamada in si dhow ay u wada shaqeeyaan si amniga dalka gacan bir ah loogu qabto.

Kulankani looga hadlayay amniga Dalka ayaa qeyb ah kulamo isdaba joog ah oo inta badan looga hadlo ammaanka, waxaana muhiimadu ay tahay in si dhow ay ula shaqeeyaan dadweynaha hey’adaha Ammaanka si looga hortago Weerarada ay geeystaan Shabaab.