Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Nicholas Kay oo Baydhabo ku kulmay

0
175

Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo Maalmahaan Booqasho ku joogay Magaalada Baydhabo ayaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo inta uusan u soo bixin Muqdisho Kulan Saddex Geesood  ah kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed  iyo Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Nicholase Kay.

Afhayeenka  Maamulka Koofur Galbeed   C/qaadir Cashar Nadaara oo la hadlay warbahinta  ayaa sheegay in Kulamada ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha,kay iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed  looga hadlay Arrimo la xariira dhismaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed loo sameeynayo.