Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Gaalkacyo

0
294

Wafdi uu Hogaaminaayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Gaalkacyo oo maalimihii ugu dambeysay ay ka jirtay xiisad u dhaxeeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland .

Socdaalka Cumar Cabdirashid uu ku ku tagayo Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehlinaya Wasiirka Arimaha Gudaha DFS iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka mudug kuwaasi oo qeyb ka qaadan doona xalinta Khilaafadka labada dhinac.

Sidoo kale wafdiga ayaa la filayaa in kulmo kale duwan ay la qaataan labada Maamul kuwasi oo ay kala hadali doonan qaabka loo xalin karo xiisada ka aloosan labada dhinac taasi oo ka bilaabatay dhismo wado .

Dhinac kale Magalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa ka soconaya Barakicii ugu balaarnaa oo ay sameynayaan shacabka ku nool waqooyiga iyo konfurta Gaalkacyo kuwaasi oo ka cabsi qaba in dagaal uu ka bilaawda Magaalada Gaalkacyo