Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Xalay kulan Laqaday Odayaasha maamulka Koofur Galbeed

0
194

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo wali ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Xalay kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed waxaana uu kala hadlay in la dhameeyo Khilaafka yar ee ka taagan soo xulista Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed uu yeelanayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Saaka lagu wadaa in Magaalada Baydhabo uu kula kulmo Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose oo Cabasho laga yahay.

Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa intii uu joogay Magaalada ayaa waxaa loo soo gudbiyay Cabshooyin ku aadan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo la sheegay in ay Dhac iyo Kufsiba ka geeystaan Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Cumar C/rashiid Cali Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa Amray in Saraakiisha Ciiadamada Xooga ay yimaadan Saaka Baydhaob si wax looga weydiiyo Arrimo la xariira Cabashada laga soo gudbiyay.

Cabashada ugu badan ayaa ka timid Gobolka Shabellaha Hoose oo la sheegay in Rag Ciran Dharka Milatariga Soomaaliya lagu yaqaanno in ay dhac iyo Kufsiba ka geeystaan Gobolka Shabellaha Hoose.