Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo booqanaya Xerada Qaxootiga Dhadhaab

0
223

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’ake ayaa Booqandoona  Xerada Qaxootiga dhadhaab iyo meelo kale oo Qaxooti soomaaliyeed ay joogaan Jaziirada Maltana  ku jirto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu Maalinta Barri ah tagi doonaa Xerada Qaxootiga ee Dhadhab ee Dalka Kenya halkaas oo ay ku jiraan Dad badan oo Soomaaliyeed.

Cumar C/Rashiid ayaa waxaa uu la kulmayaa Mas’uuliyiinta Dadka Dhadhab ku jira kuwaas oo uu kala hadli doono Xaaladooda iyo waxa ay rabaan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu tagi doonaa Jaziirada Malta halkaas oo iyana ay Qaxooti ku yihiin Dad Soomaaliyeed kana tagay Dalka Liibiya si ay Yurub Tahriib ugu galaan.

Waxaa Suurto gal ah in Ra’iisul Wasaaruhu la kulmo Madaxda Jaziirada Malta si uu kala hadlo xaaladda Dadkaas Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Malta.

Shalay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu ka ambabaxay Muqdisho waxaana uu u baxay sidii Dadka Soomaaliyeed xaaladooda looga war heyn lahaa.