Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo Malta uga qeyb galaya Shir looga hadlayo Muhaajiriinta

0
183

Hogaamiyaasha Midowga Africa ayaa ugu deeqi doona lacag gaareysa 3.6Billion Oo euro ah oo u dhiganta $5.49Billion shir laba maalmood ka socon doona Malta oo uu ka qeyb galayo Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Shirka ayaa maanta oo Arbaca ah furmaya waxa ka qeyb galaya ilaa iyo 50-hogaamiyaal oo ka socda Midowga Yurub iyo Afrika,ujeedka shirka waxa uu yahay xadeeynta qul qulka dadka muhaajiriinta ah iyo ka hortagista faqriga,cadaalad darida iyo in la abuuro fursado shaqo.

Qul qulka tahriibka ayaa ah dhibaato midii ugu weyneed ee soo marta wadamada Yurub wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee dunida.

Lacagta hogaamiyaasha Africa la siinayo ayaa waxa uu yahay mid loogu cadaadinayo dib u soo celinta dhaqaalaha wadamadooda iyo in ay ka hortagaan dadka Afrika ka tahriibaya.

Madaxa arimaha socdaalka ee Midowga Yurub Dimitris Avramopoulos ayaa saxaafada u sheegay in shirka madaxda Afrika loogu sheegi doono in ay xakeemayaan muwadiniinta wadamadooda dagaalada,faqroga iyo cadaalad daradda uga ordaaye.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo kami ah ka qeyb galayaasha shirka ayaa ka horjeedi doona madaxda shirka in dalkiisa laga taagero dhinacyo badan ay ugu horeeyso dhinaca dhaqaalaha si xukuumada ay u abuurto fursado shaqo oo dhlinayarada Soomaliyeed looga baajiyo tahriibta ay ku dhaqaaqayaan.

Afrika waa dadka ugu badan ee iyagu u tahriiba wadamada Yurub si ay u helaan nolol ka wanaagsan mida wadamadooda ay dagaalo iyo faqri la dageen.