Robab ka Da’ay Magaalada Muqdisho Oo Sababay Dhimashada Sadex Ruux

0
201

Sadex ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii uu ku soo dumary darbi ay kaga gabanayeen roob ka da’ayay maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Darbigan ayaa dumary xilli roob xoog leh uu xalay iyo maanta ka da’ayay magaalada Muqdisho waxana wararka ay sheegayaan in ugu yaraan afar kale ay waxyeelo ka soo gaartay dumista darbiga.

Dadka wax ku noqday dumista darbiga oo ka dhacday degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa isugu jirey dad waaweyn iyo carruur.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan  in ciidan ka tirsan AMISOM ay gurmad u fidiyeen dadka uu darbigu ku dumay kuwaasoo xilligaasi ku suganaa meel u dhow halka uu shilku ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka da’ay roob xooggan oo sababay in ay adkaado isku socodka dadweynaha ee xaafadaha kala duwan ee magaalada.