Roobabka DAYRTA oo Maasheeyay Deegaanno ka Tirsan Gobollada Sool iyo Cayn {DAAWO SAWIRADA}

0
424

Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay ka mid tahay deegaannada ay soo gaarayaan hayaanada kasoo kicitimay Waqooyiga iyo Bariga gobolka Sool.

Reer-guuraa aad u badan ayaa waxay kusoo qulqulayaan deegaanada Buuhoodle iyo kuwa ku xeeran, halkaasoo ay maasheeyeen roobabka xilliga dayrta. waxaana gaadiidka sida reer guuraaga ay si wayn uga muuqdaan waddooyinka magaalada Laascanood mara.

Dagmada Taleex oo ka mid ah meelaha ugu ballaaran ee aan illaa hadda roobku ku tiixin ayaa si weyn uga soo hayaameen reer guuraagu. Halka degmada Xuddunnav ay ku hoortay sannadkan barwaaqada dayrta.

Sidoo kale, waxay abaaruhu ay aad u saameeyeen deegaannada ku xeeran galbeedka iyo bartamaha Somaliland, iyadoo ay odayaaasha iyo waxgaradka deegaanada Sool iyo Cayn ugu baaqay xoolo-dhaqatada inaysan si nabadgalyaa lagu wada daaqaan barwaaqada saamaysay deegaanadaas.

Ugu dambeyn, barwaaqadan saamaysay deegaannadan ayaa ah mid aad u ballaadhan oo ay tahay in mahad loogu celiyo EEBBE subxaanahu watacaalaa.

roob iyo barwaaqo (1) roob iyo barwaaqo (2) roob iyo barwaaqo (3) roob iyo barwaaqo (4) roob iyo barwaaqo (5)