Ruux Falastiini Ah Oo Mindi Ku Diley Labo Ruux Oo Israeli Ah Magaalada Tel Aviv

0
191

Labo Israeli ah ayaa lagu diley mindiyo mid kalana waa ku dhaawacmay weerar uu qaaday nin Falastiini ah magaalada Tel Aviv.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in midiyeynta ay ka dhacday meel laga galo dukaan ku yaal koofurta magaalada Tel Aviv kaasoo u shaqeeyo goob ay dadka Yuhuuda ah ku cibaadeystaan.

Ninkii weerarka qaaday ayaa waxaa qabtay dad wadada marayay inta ay ka yimaadaan Booliska. Mowjado weeraro midiyo ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay waxa ku dhintey 14 ruux oo Israeli ah halka tobanaan kale oo Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah dadkii ku dhinty weerarkan oo ahaa labaatan sano jir ayaa isla goobta ku geeriyooday halka mid kalana loola cararay isbitaalka Tel Aviv Ichilov halkaa oo uu ku geeriyoday.

Ninka weerarkan geystey oo la sheegay in uu yahay 36 sano jir ka yimid Daanta Galbeed ee Dura ayaa dhaawac yar soo gaaray waxana la sheegay in uu ku jiro gacanta ciidamada Israeil.  Booliska ayaa sheegay in la rumeysan yahay in ninkan uu falkan keligii ka dambeeyay balse ay weli baarayaan suurtogalnimada in ay dad weheliyeen.

Dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta Hamas ayaa soo dhigay bartooda twitterka ammaan ay u jeedinayaan weerarkii lagu qaaday Tel Aviv iyagoo ku baaqay in dagaalyahanada kale ay sidaas oo kale sameeyaan.

Waa markii ugu horeysay oo weerar ay Falastiiniyiintu ku qaadeen Israel tan iyo Jimcihii la soo dhaafay markaasii wadaad Yuhuud ah iyo wiilkiisa lagu diley Koofurta Daanta Galbeed ee Hebron sida ay shaaciyay wargeyska Haaretz