{SAAWO SAWIRADA} Magaalada Baydhabo oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Wadatashi Qaran

0
309
Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay lagu soo gaba gabeeyay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee Geeddi Socodka Doorashooyinka Soomaaliya 2016 kaas oo ka furmay maalin ka hor, iyadoo uu furay shirkaasi Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Kulanka oo mudo labo maalin ah socday ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed Soomaaliya,kuwaasi oo qaarkooda madasha hadal kooban oo wax ku ool ah ka jeediyay.

Shirka Wadatashiga Baydhabo ayaa looga hadlayay qaabka ugu sahlan ee doorasho uga ka dhici karto Soomaaliya 2016 nooca doorasho ay noqoneyso,waxaana dadkii ka soo qeyb galay shirka is dhaafsadeen oraah ku aadan sidii hanaan doorash oo Shacabka ka timaada loo gaari lahaa sanadka 2016-ka.

Ergada Shirka ka qeyb gashay,ayaa soo bandhigay fikrado wax ku ool ah oo qaarkood dhaxal gal u noqon kara Shacabka Soomaaliya iyo sida doorash lagu gaari karo sanadka 2016-ka,maadama Dowlada Soomaaliya dhawaan shaacisay in doorasho Qof iyo cod ah dalka aysan ka dhici Karin 2016-ka.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Mursal oo la hadlay warbaahinta ayaa in shirka uu soo gaba gaboobay islamarkaana ka qeyb galayaasha ay muujiyeen fikradahooda ku aadan arrintani la xiriirta ka fakarka masiirka umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in shirka sidoo kale ay ka qeyb gashay Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Sahro Cali Samatar.