Sargaal Ka Tirsan Ciidamada Galmudug Oo Lagu Dilay Degaanka Aricadde

0
195

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Aricadde Ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in lagu dilay Sargaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug oo lagu Magacaabo Aadan Low.

Degaanka Aricadde ayaa waxaa maanta ku dagaalamay  Dad Shacab ah iyo Dagaallameyaal ka tirsan Al-shabaab,iyadoo Ciidamo ka tirsan Galmudug ay ku biireen Dagaalka,waxaana goobtaasi lagu dilay Taliyihii Hogaaminayay Ciidamada Galmudug oo lagu Magacaabi jiray Aadan Low.

Sidoo kale Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka maanta ka dhacay degaanka Aricadde ayaa loo soo qaaday Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Wasiirka Amniga  Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed  oo goor dhaw Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay sii wadayaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uusan Maamulku joojin doonin.