Shacabka dalka Turkiga oo u dareeray codbixinta doorashada Baarlamaanka

0
229

Shacabka dalka Turkiga ayaa maanta u dareeray doorashada Baarlamaanka oo ah tii labaad muddo shan bilood gudahood ah.

Bishii June ee sanadkan ayuu xisbiga talada haya ee Madaxweyne Teyyib Erdogan dhumiyey awoodii aqlabiyada Baarlamaanka Turkiga oo ka kooban 550 kursi, waxayna xisbiga talada haya ee AK party iyo mucaaridka oo awood dheeraad ah ku helay Baarlamaanka ku guuleysan waayeen inay wada dhistaan xukuumad Isbaheysi ah.

Doorashadan ayaa ah mid la filayo inay codkooda ka dhiibtaan dad gaaraya 54 milyan, waxayna codbixinta ka dhaceysaa 175.000 xarumood oo dalka Turkiga ku yaal. Sidoo kale Qurbo-joogta Turkida oo gaaraya 1.3 milyan ayaa horey codkooda usii dhiibtay.

Madaxweyne Erdogan ayaa rajeynaya inuu xisbigiisa dib ulla soo noqdo awooda Baarlamaanka, walow saxaafada dalkaasi ay saadaalinayaan in Xisbiga AK uusan heli doonin awooda aqlabiyada ee Baarlamaanka.

Erdogan ayaa doonaya haduu ku guuleysto Aqlabiyada Baarlamaanka xisbigiisa AK party in uu dhaqan geliyo Nidaamka Cusub ee Madaxweynaha oo uu doonayo inuu ku bedalo nidaamka hada dalkaasi ka jira ee awooda dheeraadka ah siinaya Rai’salwasaaraha, Xukuumada iyo Baarlamaanka.

dorashada Turkiga