Shir Looga Hadlayo Qaabeynta Siyaasada Waxbarashada Dalka Oo ka Furmaya Muqdisho

0
191

Shir looga hadlayo qaabeynta Siyaasada Waxbarashada dalka ayaa todobaadka soo socda lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho,waxaana shirkani garwadeyn ka ah Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya.

Ahmiyada Shirkaan dib loogu eegayo qaabeynta Siyaasada Waxbarashada Soomaaliya ayaa ahmiyadiisa lagu micneeyay hormarinta tayada Waxbarasho ee dalka iyo qaabeyntooda.

Shirka oo ka furmaya Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona Wakiil ka socda maamulada dalka ka jira,Hay’ado caalami ah oo dhanka Waxbarashada qaabilsan iyo Xubno Wasiiro oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo Waxbarashada iyo tacliinta sare qaabilsan.

Wasiiru Dowladaha Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Dowlada C/llaahi Bile Nuur ayaa shalay Golaha Wasiirada ka hor sheegay in shirkani ay u soo qaban qaabisay sidii loo mideyn lahaa Manhajka Waxbarashada ee dalka iyo la helo hanaan sharci ah oo hagaya Waxbarashada.

Wasiiru Dowladaha Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya mudane Khaalid Cumar ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya dadaal xoogan ugu jirto sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hay’adaha Waxbarashada dalka,inkastoo meesha uusan ka saarin in marar qaar dhaliilo loo jeediyo Dowlada oo ku aadan in si cadaalad ah loo qeybin deeqaha waxbarashada ee dalka dibadiisa laga helo.

Mudadii dagaalada sokeeye dalka ka jireen,waxaana meesha ka baxay siyaasadii hageysay Waxbarashada dalka,waxaana Hay’ado gaar ah loo leeyahay oo Waxbarashada dalka dhabarka u xirtay iney jiheeyaan,balse hay’adahaasi Howsha uma qaban sidii loo baahnaa inkastoo boos banaanaa ay buuxiyeen.