Shirka cimilada oo ka furmaya Paris maanta

0
400

Wadaxaajoodya looga gol leehay in lagu gaaro heshiis wax looga qabanaya isbadalka cimilada ayaa ka furmay magaalada Paris. Waxaa magaaldaasi gaaray in kabdan 100 hogaamiyayaal kakala yimid dunida daafaaheeda.

Madaxweyne Obama, waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in la gaaro heshiis la isku raacsanyahay.

wararka qaar  ayaa sheegaya in Maraykanku uu sababay carro badan kadib markii uu ku adkaystay in waddamada tujaarta aysan hadda kadib aqbalin in ay dusha u ritaan masuuliyad ka badan tan waddamada soo korayo marka ay timaado yaraynta gaaska hawada wasakheeyo.

Waddamada sida Hindiya ayaa si wayn arintaasi uga soo horjeedo oo ku dooday in Maraykanka uu isku dayaya in uu masuuliyaiisa ka baxsado.

Dibadbaxy

dd

Malaayin qof ayaa shalay dibad baxyo ka sameyay caalamka daafahiisa, ka hor intaan la qaban shirka isbadalka cimilada ee adduunka ee ka dhacaya caasimadda Paris. Kumanaan ayaa isugu soo baxday magalooyinka Sydney, Seattle, Honkong, Barlin, London iyo Sao Paolo.

Magaalada Paris iyadu waxaa wali saaran xukun degdeg ah waxaana la mamnuucay isusoo baxyada, dadka ayaa .

Dadkaas qaar ka mid ah ayaa kaboohada waxa ay ku xardheen fariimo ay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha caalamka in ay wax ka qabtaan diiranaanta hawada.

Kabaha qaar oo dhir lagu beeray ayaa iyagana halkaa la dhigay.

Baadari weyne Pop Francis iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon, ayaa iyaga laftirkooda kaba soo dhiibay