Soomaalida Oo Loo Diidayo Inay Galaan Maraykanka

0
215

Senator laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa soo jeediyay in Soomaalida lagu dadka laga mamnuucayo in qaxooti ahaan ay ku tagaan dalka Maraykanka sababtana waxaa uu ku sheegay inay jirto halis kaga imaan karta.

Senatorkaan oo la yiraahdo Ted Cruz waxaa uu sheegay in markii uu arkay wixii ka dhacay magaalada Paris todobaadkii hore inuu dareemay in dalka Maraykanka laga mamnuuco qaxootiga ka tagaya wadamada Soomaaliya, Syria, Ciraaq, Libya iyo Yemen.

Senetor Ted Cruz waxaa uu sheegay in qaxootiga ka tagaya wadamo ay Soomaaliya ka tahay inay halis amaan ku yihiin dalka Maraykanka waxaana dawlada dalkaasi ka jirta talo ahaan u siiyay inay ka fiirsadaan qaabilaada qaxootiga Soomaalidu ka mid yihiin.

Senetarkaan Maraykanka ah xataa waxaa uu soo jeediyay in dadka magangalyo doonka ah lagu kala xusho diimaha ay haystaan gaar ahaan waxaa uu qabaa in dadka aan Islamka aheyn la qaabilo si looga fogaado in Daacish ay Maraykanka galaan.

Senetoro kale ayaa iyana diidan in dadka qaxootiga ah diin lagu heyb sooco