Soomaaliya oo dooneysa xubin jogta ah inay ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

0
215

Soomaaliya ayaa dooneysa inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,sida waxaa lugu sheegay war lugu baahiyay bogga idaacadda dowladda oo so xiganeysa,danjire Cawaale Cali Kullane ahna ku-xigeenka ergada joogtada Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay.

Dalalka Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa doonaayo in la kordhiyo xubnaha joogtada ee Qaramada Midoobay, oo haatan ka kooban shan xubnood oo kala ah Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha.

Ku-xigeenka Ergada joogtada Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, marka hore waxa uu u mahad celiyey qeybta ay golaha amaanka ka qaadatey tageerida iyo horumarka Soomaaliya, sidoo kale waxaa u xusay Danjire Kullane in isbadal lagu sameeyo qaabka iyo tirada xubaha golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo aan waxna laga badalin tan iyo 1965ti. marka la eego tirade dalalka ku soo biiray Qaramada Midoobay tan iyo waqtigaa, 1965tii ay ahayd 117ban dal oo xubin ka ahaa Qaramada Middobay, maanteyna tirade dalalka xubnaha ka ah Qaramada midoobay ayaa ah 193dal, Danjire Kullane ayaa yiri wadciga dunida maantey ayaa curinaysa in wax badal lagu sameeyo tirada xubaha joogtada ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale,Danjire Kullane ayaa xusay ,8 ka mid ah 18ka Dal oo ay haatan Qaramada Midoobay ka fuliso howlaha nabadeynta iyo nabad ilaalinta caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, ay haatan ku sugan yihiin Qaarada Afrika, isla markaana 54 dal oo ka tirsan Qaaradda ay xubin ku leeyihiin , sidaas darteed waaxaa quman,sida uu soo jeediyay  in codsiga dalalka Qaaradda la tixgeliyo, isla markaana la sahlo sidii ay kursi ugu heli lahayee xubin joogta ah ee golaha Ammaanka.

Dalalka Afrika waa markii ugu horreysay oo ay soo bandhigaan sida ay ku doonayaan inay xubno uga noqdaan golaha jogtadda ah ee Qaramada Midoobay