Taliska Saldhiga Booliiska Jowhar oo digniin u jeediyay Hayadaha aan dowliga aheyn ee ka howlgala Sh/Dhexe 

0
241

Booliiska Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxay digniino u jeediyeen Hay’adaha Samafalka ee ka shaqeeyaa deegaano ka tirsan Gobolka gaar ahaan Magaalada Jowhar.

Waxay ay Hay’adaha samafalka ah ku Eedeeyeen in qaar ka mid ah hay’adahaasi aysan ka diwaan gashineyn Saldhiga Booliiska Magaalada Jowhar.
Taliska Booliiska ayaa Sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in ay ku sii shaqeeyaan Hay’adahaasi deegaanada Gobolka Sh/Dhexe.

Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliiska Magalaada Jowhar oo la hadlay Idaacada warbaahinta ayaa sheegay in aysan Arrintaasi aqbali doonin kuna amrayaan Hay’adaha iney isa soo diiwaan geliyaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Hay’ado aado oo ka shaqeeya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelahga Dhexe gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Ururka Al-Shabaab.