Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan

0
245
Taliyaha oo dhawanahaanba ku sugnaa Caasimada Khartuum ee Dalka Suudaan ayaa kormeer Guud ku sameeyay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Safaaradda oo uu Hogaaminayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas Lataliyaha koowaad Safaaradda Ibraahim Guure u Qeybsanaha Dhanka Warfaafinta Fiidow Maxamuud Fiidow.

Waxaana Wafdiga lagu soo wareejiyay dhamaan Xafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Madaxda Safaaradda oo ay ka mid tahay Xafiiska SafiirkaQunsulkakan Baasboorada laga bixiyoXafiiska Qaabilsan Dhaqanka Hidaha iyo Tacliinta sare iyo kan Qaabilsan Warfaafinta Safaaradda.

Safiir Maxamed Ugaas ayaa warbixin kooban siiyay Taliyaha isagoo sheegay in ay farxad weyn u tahay in Safaaradda Soomaaliyeedku soo Booqdaan Wafdi uu Hogaaminayo si ay ugu kuur galaan qaabka ay u shaqeeyaan howl wadeenada Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan.

 Dhanka kale Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan u soo dhaweesayisagoo ku dhiirigaliyay Madaxda Safaaradda in ay sii wadaan dadaalka ay u haayaan Shacabka Soomaaliyeed isagoo tibaaxay in duruuf adag ay ku shaqeenayaaan Diplomaasiyiinta Safaaraddamaadaama ay ka warhayaan in ka badan afar kun oo arday ah kuwaas oo Dowladda Suudaan ay siisay deeqo waxbarasho oo kala duwanayuu yiri Taliye Xaamudwaxa uuna intaa raaciyay Taliyaha in loobaahanyay marwaliba in loo shaqeeyo Muwaadinka Soomaaliyeed.

Booqashada uu ku tagay Taliyaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudan ayaa noqoneesa mid ay ku kala warqaateen Madaxda Safaaradda oo uu hogaaminayay Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan iyo wafdiga uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyadoo ay ku soo idlaatay jawi haboon.