Taliyaha Ciidamada Uganda Gen Katumba Oo Uga Digey Ciidamada Uganda Se Soomaaliya Xatooyada

0
174

Taliyaha ciidamada Milatariga dalka Uganda Gen Katumba Wamala ayaa uga digey ciidamada Uganda ee u jooga nabad ilaalinta dalka Soomaaliya feejignaan la’aan iyo musuqmaasuq.

Gen Katumba oo la hadlayay ciidamo u soo ambabaxayay dalka Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka noqonayay ciidamada AMISOM ayaa u sheegay askartaas in ay musuqmaasuq ku kacaan oo ay iibsadaan cuntada iyo shidaalka kuwaasoo loogu talogalay howlgalada Milatariga ee Soomaaliya isagoo ugu hanjabay askarigii ku kaca in uu la kulmi doono ciqaab adag.

Ciidamo ka tirsan UPDF oo ay ku jiraan saraakiil ayaa hore maxkmad milatari loogu soo taagay eedeymo la xiriira inay iibsadeen cunto iyo shidaal. Gen Wamala ayaa u sheegay ciidamada:” dhamaan qalabka ciidamada oo ay ka mid yihiin cuntada,shidaalka iyo rasaasta aan waxba lagu bedelan karin.”

“Jawaabtu waxa ay noqon doontaa mid adag marka lagu soo qabto adigoo howlahaa faraha kula jira, waxayna la mid tahay dambiyada anshax darrada ciidamada.”ayuu sii raaciyay Generalkan oo markii uu hadlakan jeedinayay ku sugnaa dugsiga tababarka ee Singo Nakaseke.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Uganda ayaa ka digey feejignaan la’aanta ciidamada dhexdeeda ka dhici karta taasoo uu ku tilmaamay in cadowga uu ka faa’ideysan karo oo uu soo weerari karo.

Ururka Alshabaab ayaa dhowaan weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada UPDF ku lahaayeen Janaale halkaa oo ay ku dileen illaa iyo 19 askari, waxana Madaxweynaha dalka Uganda Museveni uu ku eedeeyay weerarkaa in uu kuyimid feejignaan la’aan laga arkay ciidamada UPDF.

Waxaa dhowaan soo gaaray dalka ciidamo ka tirsan cutubka 17aad ee ciidamada dalka Uganda kuwaasoo gaaraya 2,777 askari waxana ay ciidamadan hore ugaga soo shaqeeyeen Koofurta Sudan waxaana hogaaminaya oo taliye u ah Col Bob Ogik. Ciidamadan ayaa waxaa lagu bedelay ciidamo kale oo hore u joogay degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda.