Ugaas C.Raxmaan Iyo Odayaal Dhaqamed Ku Guulestay In ay Furaan Wadada Halbowlaha ee Magaalada B/weyne

0
187

Xaalada magaalada B/weyne ayaa caawa degan kadib markii Ugaas C/Raxmaan Ugaas Khaliif iyo odayaal dhaqamed ay ku guuleeysteen in ay xaliyaan dhibaatadii malmahii ugu danbeeyay ka taknaa magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

labadii maalin ee ugu danbeeysay ayaa gudaha magaalada baladweyne ee xarunta hiiraan waxa ay u xerneed ciidamo ka careysnaa masuul ka tirsanaa hay’ada qaramada midoobay ee man action  oo lagu dilay gudaha magaalada baladweyne.

Ugaas C.Raxmaan oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka ayaa galinkii dambe ee maanta ku guulestay in ay furan wadada laamiga ah oo labadii maalin aynu kasoo gudbnay ay xireen Ciidama ku heyb ah alla ha u naxariiste Mahdi xusen shiqaal.

Talaabadaan uu qaaday Ugaas C.raxmaan ugaas khaliif ugaas rooble ayaa imaaneysa xili magaalada b/weyne ay ku sugan yihiin gudi ka socda dowlada dhexe kuwaa oo baaritaan ku sameynaya dhacdadii dhawaan ka dhacday Degmada B/weyne.

Warar keena dambe kala soco waxii dheraad ah inshaa allaah:-