UNHCR Oo Hakad Gelisay Dib Usoo Celinta Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dalka Kenya

0
188

Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay iney hakisay dib usooo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee kujira xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo loo sababeeyay xaaladaha hawada oo xun.

UNHCR, ayaa sheegtay in si kasta oo ay ahaataba ay jiraan qorshe la doonayo in dadka qaxootiga diyaarado lagu geeyo magaalada Kismaayo iyo magaalada Baydhabo si dadkaasi dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya.

“Dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dhanka dhulka ah ayaa si KMG ah loo hakiyay iney ugu wacan tahay iyadoo aysan jirin waddo hagaagsan oo gudaha Soomaaliya ku taala”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hayada UNHCR xafiiska Nairobi.

Xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan 350,000 oo ruux waana xerada ugu weyn ee dunida oo qaxooti ku nool yihiin, inka badan 20 sano.

Hayada ayaa dhanka kale sheegtay in horaantii bishii October lasoo celiyay 118 ruux oo la keenay magaalada Muqdisho.

Tan iyo December 8 sanadkii 2014 waxaa dalka Soomaaliya lagu soo celiyay 5,444 markii hayada Qaramada U qaabilsan Qaxootiga ay bilowday dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ku dhawaad 3,874 kamid ah dadkaasi waxaa lagu soo celiyay dhanka dhulka halka 1,411 ruux diyaarad lagu soo celiyay diyaarad.